Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Arday helay abaalmarin sare ee Jaamacadaha Maraykanka dhinaca Sayniska

Image caption Maxamed Cabdullaahi. Sawirkan waa deeq waxbarasho oo hadda ka hor la siiyay.

Arday Soomaali ah oo sanadkii labada kun iyo shanta tagay dalka Maraykanka, oo wax ka barta college-ka Mesa ee magaalada San Diego, ayaa ku guulaystay abaalmarin qaran oo heer saraysa oo dhinaca cilmi-baarista dawaynta cudurka cancer-ka.

Waxaa lagu abaalmariyay shir sanadeedka cilmi-baarista dawaynta kiimikada ku salaysan, kaasoo lagu soo bandhigo guud ahaan cilmi-baarista ay sameeyaan dhamaan ardayda wax ka barata jaamacadaha ku yaalla dalka Maraykanka ee dhinaca daawada.

Waxaa abaalmarinta u tartamaya ardayda cilmibaarista ka samaysa ilaa 270 jaamacadood iyo kumanaan ardayda cilmiga sayniska barata.

Maxamed Cabdullaahi Muse, ayaan luqada Ingiriisiga si fiican aqrin karin markii uu tagayay dalka Maraykanka.

Cabdiraxmaan Koronto, ayuu qadka telefoonka, Maxamed ugu waramay.

Wuxuu Maxamed sheegay in uusan filaynin abaalmarintan in uu helayo, uuna la yaabay markii magaciisa looga dhawaaqay shirka.

Wuxuu kaloo Maxamed sheegay in cid kasta oo dadaasha ay dadaalkeeda ka miro dhalin karto.

Wuxuu guushiisa ku tilmaamay mid Soomaali oo dhan u soo hoyatay.