Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tarsan oo eedeeyay al-Shabaab

Duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa maanta ku eedeeyay al-Shabaab in iyada oo dalka ay abaar ka taagan tahay ay dadka dhibaateeysan ka hor istaageen in hey'aduhu gargaar ay u fidiyaan.

Duqa magaalada oo isla markaana ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka digay in macluul ba'an ay dadka barakacayaasha ah soo foodsaareyso.

Haddaba Yusuf Garaad oo telefonka kula hadlay ayaa waxa uu weydiiyay Maxamuud Tarsan waxa uu nooga sheegi karo waxa dowladdu ka sameyneyso arrintan.