Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi guddoomiyaha Ahlu Sunna

Image caption Shiikh Maxamuud Yusuf Xeefoow

Xarunta Gobolka Galguduud ee Soomaaliya oo uu maamulo ururka Ahlu-sunnah Wal Jameeca,waxaa ka dhacay isu soo bax ujeedadiisu ahayd in caalamku u soo gurmado dadka ay dhibaatooyinku ka soo gaareen abaaraha ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha fulinta Ahlusunna waljamaca Shiikh Maxamed Yusuf Xeyfoow oo Dhuusamareeb ugu waramay wariyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka hadlay collaada ururkiisa iyo al-Shabab iyo wixii maamulkoodu u soo kordhiyey degaanada ay xukumaan.

Wuxuuse Shiikh Xeefoow marka hore ka waramay xaaladda nabadgalyo ee gobolka Galguduud.