Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Human Rights Watch oo eedeysay dowladda, AMISOM iyo al-Shabaab

Image caption Ciidamada AMISOM waxa lagu eedeeyay inay si xun u garaacaan goobaha rayidka

Magaaladda Muqdisho waxaa baabi'isay colaad, tan iyo dhamaadkii 2006-dii, markasoo ahayd goortii milatariga Ethiopia ay faragelin ku sameeyeen, magaaladana ka saareen, maxmadihii Islaamiga ahaa ee xukunka hayey.

Inkastoo ciidamada Ethiopia ka baxeen magaaladda bishii January 2009, hadana kacdoonkii weli waa uu socdaa oo waxaa dagaal la gala soo horjeedaa dowlada ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo taageerayaasheeda.

Bishii May sanadkii 2010, mucaaradka hubeysan oo ay ku jiraan, al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa bilaabay weeraro cusub oo dowlada lagu qadayo, taasoo si caalami ahna loo aqoonsaday.

Dowlada ku meel gaarka ah oo maamusha in yar uu Muqdisho ka mid ah, waxaa tageera 8000 oo ciidamo nabad ilaalin ah, oo ka socda Midowga Afria iyo maleeshiyada Ahlasunna wal jameeca, oo ah koox islaami ah oo furfuran, oo iyaduna dowlada taageerta.

Hadaba warbixin loogu magac looga dhigay, jooji dambiyada dgaal ee Muqdisho, ooy soo saartay Heyadda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, oo qeybo badan ka kooban ayaa qeyb ka mid ah oo ay hey'addu uga hadashay duqeynta qeybaha magalada ee rayidku deggan yihiin.

Hey'addu waxa ay sheegtay in labada dhinacba si aan kala sooc lahayn u duqeeyeen goobaha ay degan yihiin dadka rayidka ah intii u dhexeysay bilihii May iyo November, taasi oo sababtay tiro dhimasho iyo dhaawac ah oo rayid ah.

Dad goobjoog ahaa ayaa u sheegay Human Rights in dadka rayidka ah ay ku dhex godoomeen farsamooyinka ku dhufo ee ka dhaqaada ah ee ay isticmaalaan dagaaklyahaniinta kacdoonka wada ee alshabaab, kuwaasi oo intooda badan qaada weeraro madaafiic ah oo ay ku ridaan saldhigyada dowladda KMG ah iyo ciidamada nabad ilaalinta, iyagoo ka tuura goobaha dadku degan yihiin, kadibna ka carar, iyo jawaabta aan kala sooca lahayn ee ay kaga jawaabaan dowladda Kmg ah iyo ciidamada AMISOM.

Shuruucda dagaallada ayaa waxa ay mamnuucaan weerarada, lagu qaado goobaha militeri iyo rayid iyadoo aanw ax kala sooc ah jirin.

Tusaale ahaan weerarada aan lala bartilmaameedsan goobo cayiman oo militeri. Ciidamadu waxaa sidoo kale ay ku xadgudbaan shuruucda dagaalka marka ay galaan meelo dadku ku badan yihiin, oo ay qaadaan weeraro iyagoo aan sameyn taxadar ay ku xaqiijinayaan in bartilmaameedku yahay mid militeri aa aanu ahayn mid rayid.

Dad badan oo ay wareysatay hey'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku tilmaamay mid joogto ah, in alshabaab ay qaadeyso mid ama laba weerar oo gantaalo ah oo ay ku rido goobaha dowladda iyo ciidamada Afrikanka agh, oo ay ka sameeyaan meelaha u dhaw ee ay gacanta ku hayaan, ayagoo markaasi sababaya duqeyn mortaro iyo rocket oo ka imaanaysa ciidamada nabad ilaalinta iyo kuwa dowladda.

Duqeynta xooga leh ee ku dhacaysa, goobaha shacabaka, waxay keentay barakac, is dabajoog ah, oo ku yimid dadka magaalada degan.

Dad arkay waxa sheegeen in Shabaab ay markiiba baabuur iyagoo saaran, ay ka baxaan goobaha ay weerarka ka qaadeen, ama ay ku dhex dhuuntaan shacabka.

Weerarada noocasi ah dadku waxay sheegeen inay ku arkeen, degmooyinka hodan, hawlwadaag wardhiigleey, KM13, Baar ubax, iyo suuqa bakaaraha.

Nin ka yimid magaalada kismaayo oo ku sugnaa magaalada Muqdisho bishii Ramadan ayaa Human Rights Watch waxa uu u sheegay in shabaab ay weerarada ka soo qaadaanm, goobo shacab degan yahay, inta xaafadda yimaadaan mortardooda rakibtaan, ay rasaas ka ridaan, ayaa haddana ay ka tagaan meesha ayuu yiri. Qaarkood waa ay cararaan qaarna dadka ayay ku dhex dhuuntaan.

AMISOM marka ay soo jawaabtana wax Shabaab ahi meesha ma joogaan.

Dad goobjoogayaal ahi waxa ay Human Rights Watch u sheegeen in nabad ilaaliyaashu ay markasta kusoo jawaabaan madaafiic culus, oo aan dadka u kala aaba yeelin,

Nin degan xaafadda Huriwaa ayaa Human Rights Watch u sheegay in labada dhinacba ay weeraraan dadka rayidka ah, laakiin dhibka weyn uu ka socdo AMISOM, duqeyn culus ayay geystaan ayuu yiri, xaruumahaooda iyaga oo aan soo dhaafin ayay soo ridaan madaafiicda, ninkaasi waxa uu is weydiiyay macnaha taa ka danbeeya waxa uu yahay .

Dad kale oo iyaguna goobjoob ahaa waxay sheegeen in nabad ilaaliyaashu rocket iyo mortar ay ku garaacaan, goobo aad loo degan yahay, oo wax sabab militeri oo muuqata oo loo garaaco aanay jirin, goobaha suuqa bakaaraha ka tirsanm, ee sida joogtada ah loo garaaco waxaa ka mid ah suuqa khudaarta, suuqa basaska laga raaco, qeybta dahabka, qeybta dharka, iyoq eybta sariflayaasha, kuwaasi oo dhamaantood dadku camiran yahay.

Hey'addu waxay sheegtay in xeerka dagaalku mamnuucayo in si ulakac ah loo weeraro rayid iyo hantidiisa waxaa kale oo uu mamnuucayaa, weerarada keeni kara dhimsaho ka miisaan culus ujeeadada militeri ee laga leeyahay weerarka.

Human Rights Watch, waxa kale oo ay sheegtay inay heshay warar sheegaya in nabad ilaaliyaashu ay duqeeyeen si xoog leh oo aan kala sooc lahayn goobaha shabaabku ka taliyo bishii July 11 kadib markii weerarka laguq aaday magaalada Kampala.

Nin degan baar Ubax waxa uu u sheegay Human Rights Watch in maalinta Kampala la weeraray maalintii xigtay ay AMISOM si xun u duqeysay bakaaraha iyo Baar Ubax. Dukheyntu kala go malahayn ayuu yiri 24 saacadood taasi oo shacabka lala beegsanayay.

Shabaab iyo Nabad ilaaliyaasha waxay hey'addu ku tilmaantay inaysan ka taxadarin bed qabka dadka rayidka ah, kuwa ka masuulka ah dukheynta aan dadka loo kala aaba yeeleyn waa in lagu qaadaa Dambiyo dagaal sidaasina waxa yiri, Rona Peligal, oo ah agaasime ku xigeenka Africa ee hey'adda Human Rights Watch.