Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shariif oo booqday jiidda hore ee dagaalka

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxweyne Shariif oo booqanaya jiidda hore ee dagaalka

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta waxa uu booqday jiidda hore goobo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka qabsadeen Alshabab.

Madaxweynaha ayaa muddo 4 saacadood ah wuxuu ku dhex lugeeyay degmooyinka Hodan gaar ahaan xaafadaha Taleex ,Siigaale ilaa iyo wadada Dabka.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynuhu ku dhex lugeeyay degmada H/wadaag qeybo ka mid waxana ugu danbeyn uu tagay degmada Wardhiigleey ,waxana isaga oo ammaankiisa ay aad u ilaalinayaan uu booqday Kawaan degmada Wardhiigleey oo u dhaw xarunta degmada waxana ugu danbeytii la gaarsiiyay meel qiyaastii 300 oo talaabo u jirta wadada wadnaha gaar ahaan jidka Folerance.

Madaxweynaha oo kooban jeediayay ayaa waxa uu ka hadlay guulo uu sheegay in ay gaareen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.