Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shariif: Ma dooneyno xaalad fara isku taag ah

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan

Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan lagu tilmaamay mid muhiim ah, kadib khilaafka ka taagan xilliga dowladda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo shalay golaha wasiirada ee dowladda KMG ah ay soo saareen go'aan hey'adaha dastuuriga ee dowladda wakhtiga loogu kordhinayo.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif xasan Shiikh Aadan oo ka hadlay kulanka maanta ayaa sheegay in go'aanka baarlamaanka uu gaaray ee wakhti kordhinta in meel walba oo ay tagaan lagu soo hadal qaaday , isla mar ahaantaana aanay jirin cid taageersan oo beesha caalamka ka tirsan.

Waxa uu sheegay in aanu dooneyn xaalad fara ku taag ah, isagoo intaa raaciyay in go'aanka baarlamaanka uu yahay mid baarlamaanka u taalla, haddii laga noqonayo iyo haddii kaleba.

Laakiin guddoomiyaha waxa uu sheegay in maalinba haday wax bedelaan in jiritaankooda ay wax u dhimeyso.