Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

"Mareeg State ayaan soo wadnaa" - Shir ka dhacay London

Mid ka mid ah beelaha dega koonfurta Soomaaliya, ayaa habeenkii Isniinta magaalada London ku qabtay xaflad looga dhawaaqayay dhamaystirka dastuurka, iyo samaynta calanka ay yeelanayso dowlad goboleed ay sheegeen in ay beeshoodu ay yeelanayso.

Dadkan ayaa ahaa qurbajoog ay ka mid yihiin qaar ka mid ah beeshan oo ka kala yimid dalal Europe ah iyo Marykanka, waxaana ay intaas ku dareen in ay guddi u dirayaan guddaha dalka oo ka shaqeeya dhamaystirka maamulkooda.

Ciise Maxamuud Xalane, waa guddoomiyaha kooxda u qaabilsan UK iyo Europe, iyadoo Maxamed Xaaji Cali uu isaguna yahay xiriiriyaha guud ahaan barnaamijkan.

Iyagoo oo nagu soo booqday Studiyaha Bush House, ayaan marka hore waydiinay Maxamed Xaaji Cali ujeedada ka dambaysa dhismaha dowlad goboleedka Mareeg?

AUDIO: