Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mahiga: Shir wada tashi ayaa la qabanayaa

Image caption Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Augustine Mahiga oo maanta tagay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in bisha soo socota shir wada tashi ah oo ku saabsan Soomaaliya lagu qaban doono magaalada Nairobi.

Mahiga ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraai'd oo uu ku qabtay Muqdisho kadib markii uu la kulmay madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo uu sheegay inuu soo gaarsiiyay casuumadda iyo ajnadaha shirkaasi oo looga wada tashan doono xilliga kala guurka ee hey'ada KMG ah ee dowladda Soomaaliya.