Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeynta maamulka Azania

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Prof Maxamed Cabdi Gaandi waxa loo doortay Madaxweynaha maamul goboleedka Azania

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa dhawaan waxa loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha maamul goboleed loogu tala galay in uu maamulo Gobollada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, ka dib marka Shabaab laga saaro degaannadaas.

Shirka maamulka looga dhawaaqay waxaa lagu qabtay Kenya, waxaana ka qeybgalay ergooyin la sheegay inay ka kala yimaadeen gobolladaasi.

Haddaba barnaamijka Falanqeynta waxaa marti ku ah Prof. Gaandi oo ka jawaabaya su'aalaha dhageystayaasha ee ku wajahan maamul goboleedka cusub.