Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qarax ka dhacay Hargeysa

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Hargeysa

Magaalada Hargeysa, suuqa ganacsiga ee bartamaha ayaa saaka nin la sheegay inuu cudurka dhimirka qabo oo sitay Bombo gacmeed ay ka qaraxday.

Shaqaalaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa waxay BBC u xaqiijiyeen in sagaal iyo toban qof dhaawacyo fududi ka soo qaadheen falliidhadii bambadaasi oo uu ku jiro ninkii watay bombada, dhaawacaasi oo lagu daweeyay cisbitaalka.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Boliiska Somaliland General Cilmi rooble Furre ayaa BBC-da u sheegay inay baadhitaan wadaan, ninka bombada siteyna dhakhaatiir baarta loo geeyay oo uu xiranyahay isagoo dhaawac ah.

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, oo markiiba tegay Cisbitaalka guud ee Hargeysa ee dhaawaca lagu daweynaayo qaraxaasi ayaa wuxuu wareystay, Dr Axmed jaamac Samatar, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta la kulantay ninka qaraxaasi geystay iyo dadka kale ee dhaawac ahba.

Dhakhtarka ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwo fudud.