8 Abriil, 2011, 13:35 GMT 16:35 SGA

Djibouti oo Madaxweyne dooraneysa

Media Player

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Ku daar media player kale

Shacabka Djibouti waxay dooranayaan Madaxweyne. Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda xilka haya ayaa waxaa la tartamaya Maxamed Cumar Raage, oo hore u ahaan jiray Garsoore ka tirsan maxkamadda Sare.

Maxamed Cumar Raage, waxaa lagu tilmaamay nin siyaasi ah oo akhyaar ah. Laakiin dadka ku kacsani waxay ku eedeynayaan in aan ajandihiisa siyaasadeed ahayn mid cad.

Dhinaca kale, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa uu sheeganayaa in uu dalka u hirgeliyay mashaariic badan oo wax ku ool ah. Laakiin dadka ku kacsani waxay ku doodayaan in aanay ahayn in uu mar kale u soo istaago tartan maaddaama uu laba jeer oo hore xilka soo qabtay.

Djibouti

Djibouti waxay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska, 27-kii Juun 1977. Waa dal yar oo dadkiisu aanay gaarin hal milyan oo ruux.Baaxad ahaanna wuu kooban yahay.

Laakiin waa dal muhiim u ah ammaanka, siyaasadda iyo ganacsiga gobolka iyo meelo ka baxsanba. Waana dal aad ku hanweyn in uu mustaqbalka ku tallaabsado guulo waaweyn.

Xagga ammaanta Djibouti waxaa saldhigyo militeri ku leh Mareykanka, Faransiiska iyo Japan. Waxaa iyaguna xarun ku leh ciidammada badda ee NATO, Yurub iyo qaar kaleba, kuwaas oo burcad badeedda Soomaalida ka ilaaliya maraakiibta mareysa badweynta India iyo badda cas.

Dhinaca kale, Djibouti waxaa dekeddeeda isticmaala 80-ka milyan oo Ethiopia oo aan iyagu bad lahayn.

Arrintaasi waxay ka careysiisay Eritrea oo iyadu Ethiopia ka joojisay in ay dekedaheeda isticmaasho ka dib markii labada dagaal dhex maray.

Arrintaasi waxay xumeysay xiriirika Djibouti iyo Eritrea, oo iyadu markii dambe weerartay Djibouti kana qabsatay tuulada Dumaira.

Djibouti waxay dekeddeedaku kordhisay qeyb canshuur dhaaf leh, Terminaalka shidaalka iyo qeybta kontaynarrada ee Doraleh.

Djibouti waxay damacsan tahay oo kale in ay hirgeliso mashruuc aad u weyn oo ah dhismaha kaabad dhererkeedu yahay 28.5 km oo isku xirir doonta Djibouti iyo Yemen oo ku kala yaalla laba qaaradood.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.