Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaar ka jirta gobolka waqooyi bari Kenya

Deegaanada gobolka Waqooyiga bari ee dalka Kenya, ayaa intooda badan waxaa hada ka taagan abaaro iyo kulayl faro badan, meelaha ugu daran waxaa ka mid ah deegaanada Libooyo, oo xolo raacato tiro badan ay hada ka caban ceelka ama matoorka biyaha ee magaaladaasi, Xoolaha halkaasi ka cabta ayaa intooda badan, waxay yihiin kuwo ka soo hayaama, meelo fog fog, inta badana xoolihii ay dadkaasi dhaqanayeen waa ay dhamaadeen, inta u soo hartay waa ruco caato ah oo waliba tabar daran, Waxaa jira deegaano ay roobabku ka bilowdeen, balse roobka da'ay ayaa ah mid aan ku filnayn reer miyiga, oo waqti dheer ku jiray abaar aad u daran, Maalaha sida weyn loogu rafaadsan yahay, waxaa ka mid ah, Libooyo,Kulan,Ka-dhaqso,sareedo iyo dhadhaab.