Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Fiqi: Gaajo xun iyo oon ayaa ka jira Gedo

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Raiisul Wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya, ahna wasiirka gaashaandhiga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi

Raiisul wasaare ku xigeenka dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ahna Wasiirka Gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqday magaalada Luuq Ganaane oo ah goobaha dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ay ka qabsadeen al-Shabaab.

Haddaba wasiirka oo isagoo jooga magaalada Beled Xaawo BBC u warramay ayaa waxa uu sheegay in xaalad bini'aadanimo oo xun ay ka muuqato deegaanada uu soo arkay, gaar ahaan abaar ba'an oo saameeysay xoolaha, dadka iyo deegaankaba.

Waxa uu sheegay in biyo la'aan iyo gaajo xun ay ka jirto deegaanka oo dhawaan dad badan oo ka qaxay ay qaxooti ku yihiin gudaha waddanka Kenya.

Dhinaca kale Wasiirka, Cabdixakiin waxa uu sheegay in ciidamada dowladda KMG ah ay horumar ka sameeyeen dagaalladii ay dhawaan deegaanadaasi kula galeen kooxaha mucaaradka.