Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abtidoon: abaaraha iyo dagaalka ayaa loo baajiyay

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Magaalada Muqdisho

Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon, Wasiiru Dowlaha Difaaca ee Dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay in abaaraha iyo dagaalka ka jira Soomaaliya darteed ay dowladdu baajisay doorashadii Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka oo la qaban lahaa bisha Agoosto.

Wasiirka oo wareysi siiyay BBC wuxuu ka jawaabayay hadal hanjabaad ah oo mudanayaal baarlamaanka ka tirsani ay shalay ku sheegeen in Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada ay sharciyaddoodu ku eg tahay bisha Agoosto haddaan doorasho la qaban: