Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweynuhu waa in uu sharciga u hoggaansamo

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Mustaf Dhuxuloow waxa uu ka mid yahay mudanayaasha Muqdisho maanta ku shiray

Xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen khilaafka ka taagan xilliga KMG ah ee ee ku eg bishan August.

Haddaba Mustaf Dhuxuloow oo ahaa wasiir hore, kana tirsan mudanayaashaasi ayaa Yusuf Garaad waxa uu weydiiy cidda shirka ka soo qeybgashay iyo waxyaabaha ay ka soo saareen.

Dhinaca kale gudiga dooraashada ee baarlamaanka Soomaaliya ee uu dhowaan magacaabay, gudoomiyaha baarlamaanka, waxaa isna uu sheegay in doorashada Madaxweynaha yo tan gudoomiyha barlamaanku ay dhaceyso inta aan la gaarin bisha August ee sanadkan, oo ay guda galayaan diyaarinta qaabka doorashadu u dhici doonto. Axaddii ayaa golaha wasiirada oo yeeshay waxay ku dhawaqeen in aan xilligan doorashada Madaxweynaha iyo Af hayeenku aanay xiligan dalka ka dhici karin.