Miino ku qaraxday baabuur rayid siday

Baabuur siday dad rayid ah oo miino ay kula qaraxday meel u dhexeysa degmooyinka Ceel Barde iyo Luuq Ganaane ayaa sideed qof ay ku dhinteen.

Wararka ayaa sheegaya in baabuurka oo u socday dhinaca Luuq ay sidoo kale ku dhaawacmeen 13 qof oo kale.

Guddoomiyaha degmada Ceel Barde, Ibraahim Cumar Dheere, oo BBC uga warramay ayaa sheegay in dadka oo u badnaa dad dagaallada ka soo cararay in ay u dirayaan gurmad, inkastoo ay aad uga fogtahay goobta qaraxu ka dhacay.

Waxa uu sheegay inay la socodsiiyeen masuuliyiinta joogta magaalada Luuq.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in miinadaasi ay dhulka dhigeen al-Shabaab.