Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Xildhibaan Maxamuud Sayid

Degmooyinka gobolka Gedo waxaa dhawaanahan ka socday dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa al-Shabaab.

Haddaba waxaanu ka wareysanay dagaallada, Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo haatan ku sugan gobolka Gedo.

Yusuf Garaad oo telefonka kula hadlay xildhibaan, Maxamuud Sayid, ayaa marka hore waxa uu weydiiyay kaalinta uu dagaallada Gedo ku leeyahay.