Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dr Bideey oo shaqadiisi ku laabtay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dr Maxamed Maxamuud Bideey waxa uu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii hotel Shamo

Weerarada is-qarxinta ah meelaha ay dhibaatada ku hayaan waxaa ka mid ah dalka Soomaaliya oo dad badani ay ku dhintaan ama ku cuuryaamaan.

Dr Maxamed Maxamuud, Bidey, waxaa uu ka mid ahaa dadkii dhaawacyada ba'ani ka soo gaareen weerarkii lagu qarxiyay hotel Shamo ee lala beegsaday munaasabaddii qalin-jebinta jaamacadda Benadir sanadkii 2009-kii.

Dr Bidey oo mudadaas ka soo kabanayay dhaawacii gaaray, oo ay ugu daran yihiin gacan iyo carrabka, ayaa hadda dib ugu laabtay shaqadiisii dhakhtarnimada iyo macallinnimada.