Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

40 Soomaali ah oo lagu xiray Turkey

Dad Soomaali ah ayaa maanta xabsiga loo taxaabay magaalada Istanbul, kuwaasi oo sida ay BBC u sheegeen isugu jira Dad waraaqo qaxootinimo ku leh Turkiga iyo qaar si sharci darro ah ku jooga.

Dadkaasi qaar ka mid ah ayaa ku eedeeyay safaaradda Soomaalida inay gebtay inay ilaaliso xuquuqdooda.

Laakiin, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ah sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Ankara ayaa waxa uu sheegay inay hadda Safaaradda ku daba jirto sidii ay wax uga qaban lahayd dadkaasi xabsiga loo qaaday.