10 Mey, 2011, 15:02 GMT 18:02 SGA

Xaalada qaxootiga Soomaalida

Media Player

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Ku daar media player kale

Dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay xuduuda Soomaliya iyo Kenya, waxaa ku barakacay kumanaan qof oo u badan dumar iyo caruur meelihii ugu dambeeyey ee dagaaladu ay ka dhaceen waxaa ka mid magaaladda Dhoobleey oo ku taala xadka Kenya iyo Soomaliya ay wadaagaan. Dadka Dhoobleey ka qaxay waxaa lagu qiyaasay ilaa 40,000 ku oo qof oo intooda badan u cararay deegaano xadka ku yaala, sida Deg-elemaa, Shaftuug, Taabto iyo waliba kuwo soo talaabay xadka dhinaca Kenya.


Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo BBC-da ka tursan ayaa dhowaan booqday deegaanadaasi, waxuuna kula kulmay dadkii soo barakacay oo u sheegay wariyaheena in dhibaatada ugu weyn ee haysata ay tahay hoy la'aan iyo raashin xumo.

Sida ay dadkaasi u sheegaan wariye Catoosh, ma jirto wax kaalmo ah dadkaasi gaaray rajada ay ka qabaan inay guryahoodii dib ugu laabtaana waa mid aad u yar maadaama colaadii ay ka soo qaxeen ay weli taagan tahay.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.