Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dabaaldegga Somaliland ee London

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Mid ka mid ah ardeyda Jaamacadaha ee ka qaybgalayay banaanbaxa oo u warramaya BBC

Somaliland maanta waxa ay u dabaal degtay sanadguuradii 20aad ee ka soo wareegtay markii ay ku dhawaaqeen inay ka go'een Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991.

Fagaaraha baarlamaanka waddankan Britian ayaa waxaa isugu soo baxay maanta boqolaal reer Somaliland ah oo u dabaaldegaya sanadguurada labaatannaad ee gooni isu taagga Somaliland oo ku beegan maanta 18 May.

Dadkaasi isku soo baxay ayaa waxa ay wateen calanka Somaliland iyo boorar kale oo ay ku qornaayeen in beesha caalamku, gaar ahaan dowladda UK ay aqoonsato Somaliland.

Haddaba, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa qaar ka mid ah dadweynahaasi wareystay.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dadka ka soo qaybgalay banaanbaxa