Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hey'adda IIDA oo u dabaaldegtay 20-guurada aasaaskeeda

Hay'adda IIDA ee horumarinta haweenka iyo samafalka arrimaha bulshada ayaa u dabaaldegeysa 20 sanno tan iyo markii la aasaasey.

Hay'addan waddaniga ayaa ka hawlgasha degaano badan oo Somalia ku yaala, waxaan adeegyada ay fidiso ka mid ah tababarada haweenka, waxbarashada, caafimaadka, dhaqan celinta dhalinyarada hubka laga dhigayo iyo hawlaha la xiriira nabadeynta.

Xaflad balaaran oo lagu maamusayo labaatan guurada hay'adda ayaa ka dhacdey magaalada Nairobi.

Weriyaha BBC Daud Aweis ayaa xafladaasi ka qeybgaley waxaana uu wareysi la yeeshey Xaliimo Cabdi Caruush oo ah Madaxa Hay'adda IIDA.