Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali lagu boobay Koonfur Afrika

Ganacsato Soomaali ah oo ku nool gobolka Eastern Cape ee waddanka Koonfur Afrika ayaa xalay la weeraray dukaamadoodii ganacsiga oo qaar la gubay qaarna la bililiqeystay.

Ugu yaraan afartan dukaan oo Soomaalidu leedahay ayaa wararku sheegayaan in ay saameyn ku yeelatay arrintaasi.

Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa telefonka waddanka Koonfur Afrika kula xiriiray, Cabdiraxmaan Yusuf Axmed Raabi oo madax u ah jaaliyadda Soomaalida ee gobolkaasi Eastern Cape oo uu uga warramay sida ay wax u dheceen.