Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Danjiraha Soomaaliya ee Addis Ababa

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Danjiraha Soomaaliya u jooga Addis Ababa Saciid Yusuf Nuur.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Hillary Clinton, ayaa ku boorisay hogaamiyayaasha Africa, in ay u ololeeyaan isbedello dimoqraadiyadeed, haddii kale ay ku iman doonaan kuwo la lmid ah kacdoonada isla haddaba ka socda dunida Carabta.

Hadalkii ugu horeeyey oo ay ka jeediso Midowga Africa ayaa Mrs Clinton waxa ku dhiiri gelisay, wadamada Africa in ay dhabarka u jediyaan, Colonel Qadaafi, inkasta oo uu taageero dhaqaale oo farabadan siiyey Midowga Africa. Haddaba Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia iyo AU, Saciid Yusuf Nuur ayaa Abdinur Shiikh Maxamed waxa uu ka wareystay wixii ay Hillary Clinton ka tiri Sudan iyo Soomaaliya markiin ay ka hadleysay xarunta Midowga Africa ee Addis ababa.