Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guddiga Olimbikada oo la kulmay dhiggiisa Talyaaniga

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Xubnaha guddiga Olimbikada Soomaaliya iyo Talyaaniga oo abaalmarino is weydaasanaya

Magaalada Roma waxaa socdaal hawleed ku soo gaaray wafdi ka tirsan Guddiga Olimbika Soomaaliyeed (GOS), oo ka koobnaa guddoomiyaha Gos Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo guddoomiye kuxigeenka guddiga kana masuul ah xirirka dibadda Olimbika Soomaaliyeed Durran Faarax.

Wafdiga intii uu jooga magaalada Roma, waxaa la kulmay oo xarunta Guddiga Olimbika Talyaaniga (CONI) ku qaabilay Giovanni Petrucci oo ah guddomiyaha Guddiga Olimbika Talyaaniga iyo xoghayaha guud Raffaele Pagnozzi.

Arrimaha lagu soo qaaday kulanka waxaa ka mid ah ahaa noocyada kala duwan ee iskaashi ee dhex mari kara Guddiyada Olimbika Talyaaniga iyo Soomaalida.

Iyado sannadka soo socda 2012 magaalada london lagu qabandoono ciyaaraha olimbiga, ayaa wafdiga soomalida waxaa uu ka codsaday wakiilada Olimibika Talyaaniga in laga caawino tababarka qaar ka mid ah ciyaartoyda ey Soomaaliya ku tala jirto inay ka qeybgalaan ciyaaraha olimbiga London, oo dhallinayaradaasi ey tababar ku qaataan xarumaha isbortiga ee ku yaal dalka Talyaaniga.

Sida uu ku soo warramayo weriyaha BBC ee Roma, Aadan Sabriye, ugu dambeyntiina labada wafdi Talyaaniga iyo Soomaalida waxa ey isdhaafsadeen hadiyado, iyado guddomiyaha Guddiga Olimbiga Soomaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish uu ka mahadceliyey, sida diiran ee wafdigiisa looga soo dhaweeyey xarunta Guddiga Olimbika Talyaaniga.