Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dukaamo Soomaali oo lagu bililiqeystay waqooyiga London

Lahaanshaha sawirka 1
Image caption Qaar ka mid ah goobaha la gubay

Magaaladatan London bartamaha xaafadda dhinaca waqooyi ku taal ee Tottenham ayaa weli xiran kadib xalay markii halkaasi rabshado ay ka dhaceen.

Ooxaha waxbaara ayaa raadinaya caddeymo la xiriira rabshadahaasi, halka kooxaha dab demiska ay wali daminayaan qaaca iyo dabka ka baxaya guryaha iyo goobaha ganacsiga ee gubtay.

Rabshadaha ayaa ka bilwoday tottenham markii uu dhamaaday banaanbax dadku ay uga soo horjeedeen dilkii nin dhalinyaro ah oo booliisku ay toogteen habeenkii khamiista.

26 saraakiil booliis ah ayaa dhaawacmay, iyadoo in ku dhaw 50 qof la xiray.

Haddaba goobaha ganacsiga ee dhibaatadu gaartay waxaa ka mid ah dukaamo ay Soomaalidu ku lahayd xaafadda Tottenham, oo la bililiqeystay, lana qaatay wixii hanti ah ee yaalay.

Maxamed Gacal Maxamed waxa uu ka mid yahay dadka Soomaalida ee halkaasi ganacsiga ku heysta waxaana uu u sheegay weriyaha BBC, Farxaan Maxamed Jimcaale in wixii hanti ah ee dukaanka u yaalay la boobay, isla markaana la jajabiyay muraayadihii iyo alaabtii kale ee dukaanka.