Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dagaal ka dhacay Muqdisho

Image caption Sawir hore

Tiro dhinacyada dagaallamaya ah ayaa ku dhintay dagaal ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG ah iyo al-Shabaab. Dagaalka ayaa wararku sheegayaan inuu ka dhacay agagaarka jidka warshadaha.

Deegaanka Deyniile oo ah goobaha weli kusii jira gacanta al-Shabaab ayaa wararku ay sheegayaan in xalay dukheyn culus ay u geysteen ciidamada AMISOM, walow aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen.

Shir ay yeesheen Golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya, ayaa waxa looga hadlay xaaladda ammaanka.

Qoraal saxaafadda loogu talagalay oo ka soo baxay xukuumadda kadib kulankaai ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan dhalinyarada ka tirsaneyd Shabaab.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay qaadeen taloobooyin lagu xaqiijinayo amaanka hantida taala suuqa bakaaraha si aanay boob iyo bililiqo halkaasi uga dhicin.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo u warramayay BBC ayaa sheegay inay sugayaan ammaanka suuqa Bakaaraha.