Dagaalka Tripoli

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Tripoli

Kadib saacado dagaal uu ka socday magaalada Tripoli ee dalka Libya, Colonel Qadaafi iyo wiilkiisa ayaa ku adkeystay in ay weli ku qanacsan yihiin inay ka guuleeysanayaan mucaaradka.

Khudbad laga sii daayay idaacadda ayaa Colonel Qadaafiw axa uu ku sheegay in taageerayaashiisa Tripoli ay cagta mariyeen wax uu ugu yeeray jiir magaalada soo galay.

Wiilkiisa Saif Al-Islam Qadaafi ayaa meesha ka saaray inay is dhiibayaan -- isaga oo sheegay in go'aanka aanu lahayn qoyskiisa, balse uu u yaallo dadka Libya.

Hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa la hadlay mucaaradkooda ku sugan Tripoli inay kacaan oo ay la shaqeeyaan mucaaradka ka soo dhawaanaya dhinacyada bariga, galbeedka iyo koonfurta magaalada.