Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Danjire Cabdirashiid Duullane

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ku xigeenka safiirka London u jooga Ethiopia, Cabdirashiid Duulane Rafle

Baaritaan qarsoodi ah oo wada jir ay u sameeyeen BBC ayaa soo helay caddeyn in dowladda Itoobiya ay xadgudubyo culus kula kacdo dadka lagu tuhunsan yahay inay xagga siyaasadda uga soo horjeedaan.

Baaritaanka waxaa kaloo lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay u isticmaalayso helitaanka gargaarka horumarinta waqtiga fog, sidii hub oo kale, in ay ku burburiso mucaaradka gudaha.

Kooxaha xuquuqda aadanaha waxay ku eedeeyeen dowladaha dibadda ee deeqda bixiya in ay indhaha ka qarsanayaan arrintan.

Hadaba, si aan u ogaanno jawaabta dhabta ah ee dowladda Ethiopia ka bixinayso eedahan, ayaa Yusuf Garaad wuxuu la xiriiray ku xigeenka safiirka London u jooga Ethiopia, Danjire Cabdirashiid Duulane Rafle.

Wuxuu marka hore waydiiyay waxa uu la leeyahay eedaha Ethiopia loo soo jeedinayo?