Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xirfadaha dumarku ku guuleeysan karaan

Xirfadaha dumarku ku guulaysan karaan waxaa ka mid xirfadaha dhinaca naqsheynta. Shirkadda la yiraahdo Asmaa Classic Design waa shirkad ganacsi oo Soomaali ay leedahay oo ku taal dalka Kenya, oo ku hawlan nashqadeynta xafiisyada, guryaha iyo goobaha aroosyada lagu dhigto.

Waxaa maamule ka ah, isla markaana aasaastay Shirkadda, Ismahaan Ismaaciil Axmed, oo dhawaan weriyaha, BBC Farxaan Maxamed Jimcaale uu kula kulmay magaalada Nairobi, waxaana marka hore uu weydiiyay sida ay ku bilowday.