Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibaatada Soomaalida Koonfur Afrika

Dhibaatada ay la kulmaan dadka ajnabiga ee ku sugan waddanka Koonfur Afrika ayaa ah mid soo noqnoqaysa.

Gaar ahaan dhibaatada heysata Soomaalida ka ganacsata halkaasi oo mararka qaar loo geysto dil iyo dhac ama boob hantida ay ku heystaan goobaha ganacsiga.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee joogta magaalada Port Elizabeth, Qorane Cali Xaahsi, oo telefoonka kula soo xiriiray BBC, ayaa ka sheeganaya dhib ay ku hayaan dadka deegaanka oo uu sheegay inay nacayb u hayaan Soomaalida joogta dalka.

Waxa uu sheegay in la boobay dukaan uu lahaa isla markaana dab la qabadsiiyay.

Farxaan Maxamed Jimcaale ayuu telefonka ugu warramay.