Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweyne Shariif oo booqday Garoowe

Image caption Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed ayaa manta tegey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, markii ugu horeysay tan iyo intii Madaxweynaha loo doortay.

Madaxweynaha wafdigiisa ayaa waxa horey uga sii horeeyay Wafdi kale oo uu hogaaminayay Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wada shaqeyn iyo iskaashi buuxa oo dhexmara labada dhinac.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in shirka Soomaalida ee la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Weriyaha BBC ee Garoowe Axmed Maxamed Cali ayaa booqashada Madaxweyaha Shariif, waxa uu uga warramay Farxaan Maxamed Jimcaale.