Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guterres: Macluusha Soomaaliya waa tan ugu weyn

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxa UNHCR, Antonio Guterres, oo la hadlaya Soomaalida abaaruhu saameeyeen

Madaxa Qaxootiga ee QM ayaa ku tilmaamay in dhibaatada gaajada iyo macluusha ka taagan Soomaaliya ay tahay dhibaatada aadminnimo ee ugu weyn ee maanta ka jirta aduunka.

Guteres oo maalmahan socdaal gobolka Geeska Afrika ayaa goobaha uu booqday waxaa ka mid ah dadka barakacay ee ku sugan Muqdisho iyo Dolow.

Guterres oo u warramayay BBC ayaa ku tilmaamay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo in xaaladdan oo kale aanay mar kale dhicin:

Waxa uu sheegay in ay tahay in arrintan ay ogaato beesha caalamka.

Madaxa Qaxootiga waxa uu sheegay in Soomaaliya la hilmaamay, marar badanna lagu dhawaaqay in dhibaato ay ka jirto.

Waxa uu sheegay in masuuliyadda Soomaalida ay tahay dhibaatada Soomaaliya, laakiin sidoo kalena ay tahay masuuliyadda beesha caalamka.

Beesha caalamka ayuu sheegay in ay qeyb ka tahay dhibaatada, halkii ay qeyb ka ahaan lahaayeen xalka.