Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka abaaraha ee Nairobi

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Shirka abaaraha looga hadlayo ee magaalada Nairobi

Siyaasiyiinta geeska Afrika iyo hey'adaha bini'aadanimada ayaa maalintii labaad shir uga socdaa magaalada Nairobi si ay uga doodaan qaabkii wax looga qaban lahaa abaaraha saameeyay in ka badan 12 milyan oo qof.

Madaxda gobolka ee shirka ka qeybgalaya waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo sida uu ku warramayo weriyaha BBC Maxamuud Cali sheegay in aqoon darrada ka jirta Soomaaliya ay qeyb ka tahay dhibaatada.

Raiisul Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, ayaa ku baaqay in goobaha la marsiinayo gargaarka bini'aadanimo ee Soomaaliya in ay difaacaan ciidamada nabad ilaalinta ee Africa, si ay u gaarto dadka ay abaarta iyo macluushu saameysay ee ku sugan goobaha ay mucaaradku agacnta ku hayaan.

Isagoo ka hadlayay shirka Kenya ee dhibaatada abaarta looga hadlayo, ayaa Meles waxa uu sheegay in hey'adaha samafalku ay wx wanaagsan qabteen, gargaarkana socda, laakiin loo baahan yahay in wax badan la qabto.

Soomaaliya oo ah waddanka ay sida ba'an ugu dhifatay abaartu, Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in 750 kun oo qof ay ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macluul dhawrka bilood ee soo socda.