Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ninka adduunka ugu qosolka badan

Atto Belachew Girma waxa lagu tilmaamaa inuu yahay ninka dunida ugu qosol badan.

Ninkan isaga ah oo u dhashay dalka Itoobiya. waxa uu iskuul qosolka lagu barto ka furay. dalka Itoobiya. waxuuna mar la waraystay sheegay. in qosolka uu caafimaad u yahay qof walba oo Bani'aadam ah. Atto Girma oo BBC-da ay waraysatay ayaa waxa uu sheegay in qof walba caruurnimadiisa uu qosolka ku bilaabo. balse marka uu qofku weynaado uu qosolka ka yaraado ama ka dhamaado. Sidoo kale ninkan reer Itoobiya ah. waxa uu sheegay in qosolka oo la badiyo ay la micno tahay iyadoo jirka la dhiso. muuqaal ahaan iyo maskax ahaan uu qosolka dawo u yahay dadka oo dhan. Mar la weydiiyey Belachew Girma in mishkiladaha afrika ka taagan qosol lagu xalin karo. ayaa waxa uu sheegay in horay ay u dhacday. shir looga hadlayay arimaha Isra'iil iyo Falastiin lagu soo qaaday mowduuc ku saabsan. in qosolka uu dadku u sahlayo isfaham iyo xiriir wanaagsan inuu dhexmaro.