Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Faadumo Qaasim oo geeriyootay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Faadumo Qaasim Hilowle waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta ugu caansan Soomaaliya

Faadumo Qaasim Hilowle ayaa xalay ku geeriyootay London. Faadumo waa fannaanad caan ah oo Soomaaliyeed. Waxay ka tirsananaan jirtay Waaberi.

Waxaa dhalay Abwaankii caanka ahaa Hilowle Qaasim, oo ahaa abwaan qeyb weyn ka soo qaatay halgankii gobannimo doonka.

Faadumo waxay iyaduna ka mid ahayd fannaaniinta ugu waaweyn ee Soomaaliya, codkeedana si aad ah ayaa loo jeclaa.

Waxay ahayd, marwo iyo hooyo.

Waxay dhashay Fadumo carruur iyaguna ah xiddigo fanka xag music garaacid iyo xag heesba la jecel yahay

Faadumo Qaasim waxa lagu aasayaa London maalinta Sabtida.

Maxamed Macalloow Nuur oo muddo dheer ay wada shaqeeyeen ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale uga warramay taariikhdeedi.