Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shabaab: "Dayaarado Kenyan ah ayaa na soo weerarray"

Image caption Ciidamo ka tirsan al-Shabaab

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in galabta ay dayaarado duqeeyeen dhowr meelood oo ah Kismaayo oo la sheegay in ay saldhigyo ku leeyihiin al-Shabaab.

Magaalada xeebta ah ee Kismaayo waxey ka mid tahay meelaha ay aadka ugu xoogga badan yihiin xarakada al-Shabaab.

Dadka deegaanka qaarkood oo ay BBC la hadashay ayaa sheegay in ay maqleen guuxa diyaarado ka dibna ay u xigtay qaraxyo labo bam oo ay diyaaraduhu rideen meel qiyaastii 1km u jirta dekadda Kismaayo.

Lama garanayo qasaaraha ka dhashay weerarkaasi galabta ay diyaaradahaasi ku qaadeen duleedka degmada Kismaayo.