Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wasiirka Warfaafinta Cabdulqaadir Jaahweyn oo u warramaya Farxaan Maxamed Jimcaale

Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn), ayaa sheegay in socdaan howlgallada kooxo uu u ku tilmaamay nabad diid looga xoraynayo gobollada Jubbooyinka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ku gaareen in tallaabo ay ka qaadaan al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda ammaanka ee magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay wax iska beddeleen muddooyinkan u dambeeyay.

Wasiirka oo nagu soo booqday studiyaha BBC ee London ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale uga waramay marka hore xaaladda ammaanka Muqdisho.