Ciidamada Ethiopia oo galay Guri-ceel

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamada Ethiopia waxa Soomaaliya ay horey u soo galeen dhawr jeer

Ciidamada waddanka Ethiopia oo ka gudbay soohdinta Soomaaliya shalay ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin bartamaha magaalada Guri ceel.

Dad goob joog ah ayaa sheegay inay arkeen ciidanka Ethiopia oo saldhig ka sameystay duleedka magaalada, waxaana ay wadahadal la leeyihiin maliishiyada Ahlu Sunna ee dowladda Soomaaliya taageersan oo halkaasi gacanta ku haya.

Ciidamada Ethiopia ayaa sidoo kale waxaa lagu arkay agagaarka magaalada Beledweyne.

Dowladda Ethiopia ayaa beenisay inay ciidamadeeda galeen Soomaaliya.

Afhayee u hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in aanay wax war ah ka hayn wararka sheegaya in ciidamo Ethiopian ah ay soo galeen Soomaaliya.

Afhayeenka oo la yiraahdo Suldan Faarax, ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay ku sugan yihiin soohdinta, tababar iyo taakuleyna ay siinayaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in xiriirka labada dal uu wanaagsan yahay, iskana kaashanayaan sidii ay uga guuleysan lahaayeen al-Shabaab.

Bishii la soo dhaafay ayaa Kenya waxa ay ciidamo gelisay gudaha Soomaaliya kuwaasi oo ay sheegtay inay baacsanayaan kooxda al-Shabaab.