Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saif al-Islam waa nin ceynkee ah?

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Saif al Islam markii la qabtay

Dowladda KMG ah ee Libya ayaa sheegtay in Saif al-Islam Gaddafi, oo ah wiilka Qaddaafi la qabtay.

Wasiirka cadaaladda, Golaha KMG qaranka ee dalka Libya, Mohammed al-Allagi, ayaa sheegay in Saif al-Islam lagu qabtay meel u dhaw magaalada saxahara ku taal ee koonfur galbeed Libya.

Waxaa lagu qaaday helicopter oo loo qaaday dhinaca magaalada Zintan, ee waqooyiga dalka.

Wiilka Qaddaafi ayaa dhuumasho ku jiray tan iyo markii ciidamada maamulka KMG ah ay qabsadeen magaalada xarunta ah ee Tripoli bishii August.

Saif al-Islam ayaa waxa doonaya maxkamadda dambiyada caalamiga, iyada oo loo heysto dambiyo ka dhan ah bini'aadanimada.

Haddaba Saif al Islam waa nin ceyknee ah? door nooceese ah ayuu ku lahaa maamulkii aabihii Colonel Gadaafi.

Boqor Buur Madow oo aqoon u leh, lana kulmay ayaan ka warreystay.