Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dab qabsaday suuqa magaalada Boosaaso

Image caption Dab

Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena waxaa laga daweynayaa dhaawac ka soo gaaray dab weyn oo xalay qabsaday suuqa magaalada Boosaaso.

Dabka oo aan la ogeyn sababta dhalisay ayaa waxa uu burburiyay qaybo badan oo ay ku jiraan bakhaarada jimlada ee lagu kaydiyo badeecadaha kala duwan.

Daminta dabka suuqa ayaa muddo dheer qaadatay taasi oo la sheegay inay sabab u ahayd suuqa oo aan lahayn meello ay baabuurta dabdamiska ka galaan.

Madaxwaynaha Puntland oo maanta arrintaas ka hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ay dhibaatadani waxyeelladu kasoo gaartay isagoo dadwaynaha gaar ahaana ganacsataqda ugu baaqay inay gacan qabtaan dadka ay xooluhu dhaafeen.