Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tagsileyda Soomaalida

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Guddoomiyaha ururka tagaasileyda Soomaalida London, Cabdi Cali Muuse iyo John Mason oo madax u ah qeybta tagaasida ee hey'adda gaadiidka London

Dhallinyarada Soomaalida waxa ay ka mid yihiin dadka tagaasida ku wadda magaaladatan London iyo magaalooyin kale oo ka tirsan dalkan Britain.

Soomaalidaasi ayaa mararka qaar waxa soo wajaha dhibaatooyin inta badan loo geysto oo xagga ammaanka la xiriira, laakiin waxa hadda heysta walaac kale oo la xiriira isbeddel lagu sameynayo baabuurta ay tagsi ahaanta ugu shaqeystaan.

Haddaba arrintaasi ayaa urur ay leeyihiin tagaasileyda Soomaalida waxa uu kala kulmay masuuliyiinta xagga gaadiidka ee London, si ay ugu sharaxaan saameynta ay ku yeelaneyso isbeddelkaasi, Cabdi Cali Muuse oo guddoomiye u ah ururkaasi ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale uga warramay dhibaatada.