Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shariif Xasan oo Muqdisho ku laabtay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmaya Guddoomiyaha aqalka hoose ee Talyaaniga Gian France Fini

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa ku laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii dhawaan ay qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya Sheegeen in ay xilka ka qaadeen.

Guddoomiyaha waxaa garoonka kusoo dhaweeyay masuuliyiin dowladda ah iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Weriyaha BBC ee Muqdisho ayaa sheegaya in garoonka logu qaabilay sida caadiga ah ee loo qaabilo madaxda dowladda KMG ee Soomaaliya.

Shariif Hassan iyo wafdi uu hogaaminayey oo beryahan booqasho ku joogay dalka Talyaaniga ayaa wareysi uu ku siiyay BBC magaalada Rome, ka hor intii aannu ka ambabixinm, waxa uu ku sheegay in xil ka qaadista qaar ka mid ah mudanayaasha ku sameeyeen inay tahay mid aan sharci aha.