Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi Mo Farah

Image caption Mo Farah waxa uu ku guuleeystay sanadkan orodka 5000m ee adduunka oo uu ku qaatay billad dahab ah

Orodyahanka Soomaaliyeed ee British-kana ah, Mo Farah waxa uu magaalada London kaga dhawaaqay urur samafal oo wax u qabanaya dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku heysato dalka.

Shir jaraaid uu ku qabtay jaamacadda St Marys University College, ee ku taal Twickenham oo ah dulleedka London ayaa waxa uu ku daah furay ururkiisa samafalka ah.

Weriyaha BBC Cabdiraxmaan Maxamed Aadan(Koronto) ayuu uga warramay ujeedada.