Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Telefishinka Horn Cable oo la xiray

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Horn Cable TV waxa lagu eedeeyay inuu faafinayay dacaayad ka dhan ah dowladda Somaliland

Ciidamada booliiska ee Somaliland ayaa waxa ay xoog ku galeen oo ay xireen xarunta telefishinka Horn Cable TV ee magaalada Hargeysa.

Arrintan ayaa waxa ay kusoo beegantay saacado kadib makii maanta Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo uu sheegay in telefishinka Horn Cable uu faafinayo dacaayad liddi ku ah Somaliland, markii uu maanta ka hadlayay abada aqal ee baarlamaanka Somaliland.

Haddaba, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa waxa uu Agaasimaha Guud ee telefishinka Horn cable, Maxamed Cabdi Ilig oo jooga magaalada Hargeysa uu telefonka ku weydiiyay waxa lagu xiray.