Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka Soomaalida ee UK

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Guddoomiyaha SDUK, Maxamed Ismaaciil Atoore, oo u warramaya Farxaan Maxamed Jimcaale

Waxaa magaaladatan London lagu qabtay shir ay ka qeybgaleen Soomaalida ku dhaqan UK, oo looga hadlayay shirka dhawaan ay marti gelin doonto dowladda Britain ee lagu wado in lagu qabto London.

Shirkan oo ka sokow dadka Soomaalida, lagu martiqaaday siyaasiyiin ka tirsan baarlamaanka Britain iyo golayaasha deegaanka London, ayaa waxa soo qabanqaabiyay ururka jaaliyada Soomaalida UK.

Guddoomiyaha, SDUK Somali Diaspora UK, Maxamed Ismaaciil Cilmi (Atoore) oo ka hadlay ujeedada shirka ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay muujiyaan doorka Soomaalida ku dhaqan dalkan UK.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Rushanara Cali waxa laga soo doortaa Bethnal Green iyo Bow oo ah bariga magaaladatan london.

Siyaasiyiinta waddankan Britian ee shirkaasi ka qeybgalay waxaa ka mid ah Rushanara Cali oo ah xubixn ka tirsan baarlamaanka Britain oo laga soo doorto xaafadda Bethnal Green iyo Bow ee bariga magaaladatan london.

Waxa ay sheegtay in dadka shirka isugu yimid ay sheegeen inay muhiim tahay in dowlada Britain aanay u qaban shirkan inay ka walaacsan tahay ammaankeeda uun, ee laakiin uu intaa ka bato, haddii kale uu noqonayo mid lagu guuldareysto.

Rushanaa Cali waxa ay tiri "Waxaana u malaynayaa in taasi ay tahay fariin muhiim ah oo dowladdu ay tahay inay maqasho".