Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Waan tageynaa shirka London

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar

Xukuumadda Somaliland ayaa rasmi ahaan ku dhawaaqday maanta inay ka qayb geleyso shirka London ka dhici doona 23 ka bishan February ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo.

Sidoo kale saddexda Xisbi ee ka jira Somaliland ayaa xukuumadda ku taageeray ka qayb galka shirkaasi.

Wasiirka wasaaradda arimaha Dibedda ee Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo wareysi siiyay BBC, ayaa sheegay in ka qeybgalka shirka London ay dan ugu jirto Somaliland.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in 80% dadka Somaliland ay taageersan yihiin in shirka laga qeybgalo.

Hadda ka hor ayaa Somaliland waxa ay sheegtay in aanay ka qeybgali doonin shirka London.