Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doorka Haweenka ee Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Subeida Mohamed Mukhtar oo u warramaysa Farhan Mohamed Jimale

Waxaa magaaladatan London lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay dhibaatada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan gobollada dhinaca koonfurta ee abaarta iyo collaaddu ay saameysay.

Shirkaasi waxaa ka soo qeybgalay xubno beelaha ka soo jeeda deegaanada gobollada dhinaca koonfurta, oo sheegay inay isaga kala yimaadeen dalal kala duwan sida Mareykanka, Australia, dalal Yurub ka tirsan iyo waddankan Britain.

Dadka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Subeida Maxamed Mukhtaar, oo sheegtay in dumarka Soomaaliya ay tahay in door muhiim ah ku yeeshaan xal u raadinta arrimaha Soomaaliya.

Subeida oo deggan wadanka Mareykanka, balse dhawaan ka qeybgalaysay shir ka dhacay London ayaa waxa ay halkaasi ka jeedisay warbixin ka hadleydsay dhibaatada heysata dumarka Soomaaliyeed.