Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

William Hague oo u warramay BBC Somali

Image caption Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britian waxa uu shalay tagay magaalada Muqdisho

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, William Hague, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxa uu ku sheegay in arrinta Soomaaliya ay muhiimad sare leedahay.

William Hague, oo shalay booqday magaalada Muqdisho, markii ugu horreysay ee Xoghaye Arrimo Dibadeed Britain ah uu booqda Soomaaliya muddo 20 sano ah, ayaa waxa dowladdiisu ay marti gelineysaa bishan shir loga hadlayo dhibaatada Soomaaliya.

Xogahayuhu waxa uu sheegay in dadaalka beesha caalamka la mideynayo si wax looga qabo dhibaatada daba dheeraatay ee Soomaaliya.

Waxa uu rajo ka muujiyay xaaladda Muqdisho, oo ammaankeeda uu ku tilmaamay inay ka soo rayneyso.