Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Buug ka hadlaya xuquuqda caruurta

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Buugga waxa sidoo kale uu ka hadlayaa dhibaatada gudniinka fircooniga

Dhawaan waxa la soo saaray buug ku qoran afka Soomaaliga oo ka hadlaya Axdiga caalamiga ee xuquuqda caruurta, gaar ahaan dhibaatooyinka xagga xuquuqa ee heysta caruurta Soomaaliyeed.

Buugaasi waxa qoray Aqoonyahan Soomaaliyeed Qalinle Dayib oo deggan dalka Sweden, isla mar ahaantaana mudane ka tirsan baarlamaanka degaanka Christianstad ee koonfurta Iswiidhan isla markaana gobolkaasi Christianstad u qaabislan arrimaha warfaafinta.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo warreystay ayaa weydiiyay sababta ku kaliftay inuu qoro buuggan ka hadlaya xuquuqda carruurta.